4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2020
Somaliland: Tiradii ugu badnayd oo laga diiwaan galiyay kiisaska Covid19
 

Axad, May 24, 2020 (HOL) -  Somaliland ayaa sheegtay saddexdii cishe ee lasoo dhaafay baaritaan laga qaaday 110 qof in 37 kamid ah laga helay cudurka Covid19, kuwaas oo ku sugan magaaaladda Hargeysa.

Waa tiradii ugu badnayd ee laga diiwaan galiyo Somaliland, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Somaliland.

Saddex qof ayaa sidoo kale u geeriyooday cudurka. Waxaana ku jira qof 24 jir ah.

Tirada guud ee dhimashadu waxay hadda maraysaa 14 qof.

Dadka cudurka laga helay ayaa sidoo kale gaaray ku dhawaad 158 qof.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]