4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2020
UNHCR oo deeq gaarsiisay dadkii ka barakacay fatahaada Beledweyne


Axad, May 24, 2020 (HOL) - Hay’ada qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa deeq gaarsiisay dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne, deeqda ayaa isugu jirtay baco, bustayaal iyo maacuun muhiim u ah shacabka aay saameeysay fatahaada.

Kaalmadan ayaa lagaarsiiyay dad gaaraya 2000 oo qof oo ku barakacay daafaha magaalada Beledweyne. Dadka ka faa’ideeystay deeqda ayaa markii hore ku noolaa kaamamka barakacayaasha, waxaana saameeyn xoogan ku yeeshay fatahaada wabiga.

Xaawo Axmed Maxamed oo ah isku duwaha gargaarka iyo maareeynta masiibooyinka gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in deeqdan aay muhiim u tahay shacabka barakacay, waxaana aay hay’addaha ugu baaqday in la caawiyo dadka barakacay.

Waa markii ugu horeeysay ee gargaar lagaarsiiyo dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne tan iyo markii todobaadyo kahor wabiga shabeelle uu fatahaad ka geeystay magaalada Beledweyne. 

Hiiraan Online News Desk