4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2020
Axmed Karaash "Ammaanka madaxtooyada Puntland la iskuma halayn karo"
 

Axad, May 24, 2020 (HOL) -  Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in aan la isku halayn Karin amniga madaxtooyada Puntland, kadib markii xilka laga qaaday saraakiishii isaga isku dhawaayeen qabiil ahaan.

Axmed Karaash oo wareysi siiyay BBC Somalia ayaa tilmaamay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni in uu gaaray heer aysan labada masuul salaanta iska qaadin marka ay madaxtooyada iskugu yimaadaan.

Waxaa uu sheegay muddadii sanad iyo badhka ahayd ee ay xilka hayeen inaanu  wanaagsanayn wada shaqayntooda ayna marar badan isku khilaafeen habka loo marayo degreetooyinka kasoo baxaya madaxtooyada.

Karaash wuxuu beeniyay warqadii ugu dambeysay ee madaxweyne Deni uu ku magacaabay wasiirro cusub inuu wax tashi ah ku lahaa, wuxuuna yidhi,” Adeer niman aan salaantaba iska qaadin sidee u wada shaqayn karaan.”

Madaxweyne ku xigeenku waxaa uu mar walba cuskanayay qodobka 80aad ee dastuurka Puntland iyo farqadihiisa, kuwaas oo qeexaya wada shaqaynta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Waa khilaafka ugu xumaa ee dhexmara madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa , waxaana laga war sugayaa kalfadhiga barlamaanka Puntland ee soo socda, kaasoo la filayo inuu khilaafkaan si un usoo faro galiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]