4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 24, 2020
Janaraal Cali Gaab oo mar kale isbuuc gudahii ka badbaaday qarax lala eegtay
 

Axad, May 24, 2020 (HOL) - Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax maanta lala eegtay taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Janaraal Cali Barre Xersi “Cali Gaab”  xilli uu marayay waddada Afisoyooni meel ku dhow Iskuulka Almasal .

Wararku waxay sheegayaan in taliyaha qaraxa lala eegtay uu ka badbaaday, balse ay ku dhaawacmeen laba qof oo rayid ah oo mid kamid ah ay tahay haweeney waddada socotay.

Sidoo kale gaariga taliye Cali Gaab ayaa waxaa soo gaaray wax-yeello.

Waa markii labaad oo muddo hal isbuuc ah la qarxiyo taliyahaasi , waxaana horay qarax loola eegtay ku dhintay dhowr askari oo ilaaladiisa ah, xilliga qaraxaasi hore lala beegsaday Janaraal Cali Gaab ayaa waxa uu sheegay in uusan la socon gaariga.

Qaraxii isbuucii hore lala eegtay waxaa sheegtay Al-shabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]