4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2020
Gabadhii u dooneyd weriye Khashoggi “ Ma jirto cid cafin karta kuwii ifka ka diray gacaliyaheygii”
 

Sabti, May 23, 2020 (HOL) -  Hadal warbaahinta Sacuudiga ay sii daaysay oo ay kasoo xigatay wiil uu dhalay Weriyahii la dilay ee Jamal Khashoggi ayaa dhaliyay hadal hayn weyn taas oo dad kale duwan ay ka jawaab celiyeen, kadib markii uu sheegay inuu cafiyay dadkii lugta ku lahaa khaarijintii Aabbihii.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay “Cadaaladda oo lagu kaftamay”, waxayna sheegeen in aysan jirin cid cafin karta dambiilayaal Caalamka geliyay maalmo argagax ah oo laga sheegeynayay dil arxan darro ah oo loo geystay qof aan waxba galabsan.

Gabadhii u dooneyn weriyahii Sacuudiyaanka ahaa ee la dilay Jamaal Khashoggi ayaa waxay sheegtay warka lagasoo xigtay wiilka gaceliyaheedii laga dilay in uu yahay mid aan la aqbali Karin.

Qoraal kooban oo ay kusoo qortay Facebook-geeda ayaa waxay ku tiri “Dilaaga ma jirto cid si gaar ah u cafin karta”.

Hatice Cengiz oo ah gabar u dhalatay waddanka Turkiga, sidoo kalena ah qoraa iyo cilmi baare ayaa iyadoo hadleysay waxay sheegtay in Jamaal uusan weli ka bixin xasuusteeda.

“Ma jirto cid cafin karta dilkii foosha xumaa” ayeey mar kale qoraalkeeda ku tiri.

Weriye Jamaal Khashoggi ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2018-kii, xilli uu ka doontay warqad.

Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in dilkaasi foosha xun aysan waxba kala socon, laakiin dad badan ayaa hadalkaasi su’aal geliyay, iyadoo sidoo kale ay xusid mudantahay in aan weli la helin meydkii saxafigaasi oo loo badinayo in la gubay si loo qariyo dilkiisa.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]