4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 23, 2020
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka codsaday shacabka in ay guryahooda ku ciidaan
 

Sabti, May 23, 2020 (HOL) -  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka in ay ku ciidaan guryahooda, si looga hortago faafitaanka xanuunka COVID-19, waxa uuna ka codsaday shacabka in aysan tegin goobaha la isugu yimaado sida maqaaxida iyo goobaha dalxiiska oo ay maanta oo kale tegaan dad badan.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu sdioo kale bogaadin iyo mahad-celin usoo jeediyay shaqaalaha caafimaadka ee safka hore uga jira la dagaallanka xanuunka Coronavirus.

“Waxaan jecelahay in aan u mahad-celiyo wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee caafimaadka ka shaqeeya ee safka hore uga jira la dagaallanka xanuunkan, waxaan aaminsanahay in ay yhiin kuwa ku jira dagaal adag, oo aan waxba ka bedelneyn dagaalka xabadka la isku dhigo” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in shacabka Soomaaliyeed hortooda uu ugu mahad-celiyo shaqaalahaasi caafimaadka dalka iyo guud ahaanba madaxda wasaaradda caafimaadka ee safka hore u galay la dagaallanka COVID-19.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]