4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2020
NUSOJ oo dacwad u gudbisay maxkamada si cadaalada loo horkeeno kuwii dilay suxufiyiinta

Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Maxkamadda gobolka Benaadir ayaa qabatay dacwad uusoo gudbiyay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo ka codsaday in maxkamaddu ay farto Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka in uu baaris ku sameeyo dilalka loo geystay in ka badan 50 suxufi oo Soomaaliya lagu dilay.

Dacwadan oo la gudbiyay maalintii arbacada aheyd oo ay taariikhda ku beegneyd 20-ka May 2020 ayaa waxaa lagu sheegay in wariyaasha Soomaaliya lagu dilay dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay aysan badan kood helin wax cadaalad ah, ayna sababtay sii socoshada dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa sheegay in Soomaaliya aysan wax ka qaban karin caburinta lagu hayo suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah haddii aysan baaris dhab ah oo deg deg ah ku sameyn kuwa geystay dilalka naxariis darada ah ee suxufiyiinta oo aan isla markaana cadaaladda la horkeenin.

“Hadafkeenu waa in Maxkamadda iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay maxkamadeeyaan oo ay ciqaabta ay mudan yihiin marsiiyaan ku soo abaabulay iyo kuwii ka dambeeyay dilalka loo geysto suxufiyiinta” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan.

Codsigeeda ayay NUSOJ ku sheegtay in dilalka suxufiyiinta aysan ahayn oo keliya xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha laakiin uu sidoo kale yahay xadgudub soo noq-noqday oo loo geystay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaan qodobkiisa 13aad ee damaanad qaadaya xaqa uu qofku u leeyahay in uu noolaado iyo qodobka 18aad ee xorriyadda hadalka iyo ra'yiga.

Cumar Faaruuq waxaa uu intaas ku daray in jawaab deg deg ah oo kasoo baxdo garsoorka dalka ayadoo la baarayo lana marsiinayo cadaaladda ay mudan yihiin kuwa lagu tuhmayo in ay geysteen dilalka suxufiyiinta ay muhiim u tahay xaqiijinta kalsoonida shacabku ay ku qabaan garsoorka iyo in ay shacabka u hogaan samaan sareynta sharciga.

NUSOJ waxay sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in aan laga dafirin inay ogaadaan runta waxa dhacay, iyo sidoo kale sababihii iyo duruufahii ay ku dhaceen dambiyada gaboodfalka ah ee aan la ciqaabin sida dilalka suxufiyiinta.

Hiiraan Online News Desk