4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2020
Golaha ammaanka ee QM “Madaxweyne Farmaajo dib ha usoo celiyo shirkii golaha ammaanka ee dalka, hana la hadlo dowlad goboleedyada”
 

Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada midoobe ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya , iyagoo warbixin ka dhageystay ergayga gaarka ah ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo safiirka midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madera, waxayna ka hadleen labadaba arrimihii ugu dembeeyay Soomaaliya , sida doorashooyinka iyo dagaalladii u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, si gaar ah kii Jannaale.

Dhammaan dhinacyadii kulanka fadhiyay ayaa soo dhoweeyay howsha ka socota dalka iyo hor’umarro la sheegay in ay muuqanayaan.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in la qabto shirkii Golaha amniga ee Soomaaliya, islamarkaana wada-hadal uu la furo madaxda dowlad goboleedyda, shirkaas oo aan in muddo ahba la qaban.

Sidoo kale dhinacyo fadhiyay shirka ayaa walaac ka muujiyay ciidamada dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo, iyadoo la sheegay in ay abuuri karaan xasarado ragaadin kara geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Inkastoo beesha caalamka ay baaqaase soo jeediyeen , haddana lama oga madaxweyne Farmaajo oo ku jira sanadkii ugu dembeeyay ee mudda xileedkiisa inuu meel-marin doono in uu wada-hadal la furo Maamul goboleedyada dalka si gaar ah Jubaland iyo Puntland oo xiriirka dowladda dhexe ay la leeyihiin uusan wanaagsaneyn.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]