4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2020
Dagaallo ka dhacay South Sudan oo ay 300 oo ruux ku dhinteen muddo isbuuc ah
 

Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dagaalku ay ku dhinteen dad gaaraya 300 oo ruux, tiro bandanna ay ku dhaawacmeen, kaas oo ah isku dhac u dhexeeyo qowmiyadaha Murle iyo Lou Nuer ee ku nool gudaha dalka Suudaanta Koonureed, waxaana dadka dhintay kamid ah  3 shaqaale ah oo ka shaqeynayay arrimaha gar-gaarka

Dagaalka ayaa ka dhacay Gobolka ku yaalla bariga waddankaasi ee Jonglei state

Mid kamid ah Odoyaasha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dirirtu ay bilaabatay maalintii Sabtida ee aynu soo dhaafnay, waxayna maleeshiyada Murle ay gubeen tuulooyin badan oo ku yaalla Maamulka Uror, ka hor inta aaney colaaddu sii baahin.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in dadka dhaawac ahaan loogu keenay ay qaarkood ka muuqanayaan rasaas lala dhacay, waxaana qaar kamid ah dhaawacyada diyaarad loogusoo qaaday magaalada Juba si loogu daaweeyo.

Howl-galka Qaramada Midoobe ee Suudaanta Koonfureed ayaa askar nabad ilaaliyayaal ah u daad gureysay goobaha lagu dagaallamay si xaaladda loo dejiyo. Dad badan oo jecel in ay ku laabtaan guryahooda waxay qabaan cabsi ballaaran oo ku aaddan in la wax-yeelleeyo.

Dowladdu waxay sheegtay in qiyaastii 800 oo ruux ay ku dhinteen  dagaalladaan beelaha u dhexeeye kuwaas oo bilowday bishii labaad ee sanadkaan

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka kabanayay colaado sokeeye oo muddo ka taagnaa, waxayna dagaallada beelaha yihiin kuwa xaaladda ugasii daraya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]