4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2020
Guddiga labada aqal ay u saameeyeen dhameystirka hab-raaca doorashooyinka oo su’aalo la weydiiyay


Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Waxaa warbixin laga dhageystay guddigii dhowaan labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya ay u xil-saareen dhameystirka hab-raaca sharciyada doorashooyinka dalka, iyagoo soo bandhigay halka ay wax u marayaan iyo qorshaha la sugayo oo ay soo dhiraan-dhiriyeen.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo guddigaasi guddoomiye u ah ayaa waxa uu tilmaamay in wax badan ay soo qabteen, islamarkaanna hadda ay marayaan qeybahii u dembeeyay, suura-galna ay tahay in dhowaan ay lasoo wadaagaan baarlamanka shaqadii loo diray oo dhameystiran.

Guddoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamanka Mudane Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa ku ammaanay in  guddigaan ay qabteen howl-wanaagsan waxana ay inta dhiman u sheegeen in ay kusoo ebyaan muddo isbuuc ah.

Wax-yaabaha laga sugayo ayaa waxaa kamid ah afar qodob oo muhiim u ah doorashada soo socota sida la sheegay kuwaas oo kala ah:-

1-waxa laga yeelayo Muqdisho doorashada soo socota.
2-Arrimaha saamiga haweenka ee labada aqal ee baarlamanka.
3-Kuraasta Gobollada Waqooyi iyo
4-sida deegannada kale loogu qeybinayo kuraasta baarlamanka.

Marka guddigan wada-jirka ay shaqadooda soo dhammeeyaan waxaa la horgeyn doonaa labada aqal ee baarlamanka si loo meel mariyo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]