4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2020
WHO oo walaac ka muujineysa kiisaska cusub ee COVID-19 ee dunida
 


Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxay ka digeysa xanuunka COVID-19 ee weli sii fidayo, islamarkaana aan weli loo helin xal waara, waxayna tilmaamtay qoraal ay soo saartay in ay muuqato in Caalamka uu wajahayo khatarta taagan ee Coronavirus.

Warkaan oo soo baxay Arbacadii shalay ayey WHO  tilmaantay in marka la soo eego kiisaskii ugu dembeeyay ee la diiwaan-geliyay ay gaarayaan 106,000 ruux oo  qaaday xanuunkan.

Agaasimaha hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in helidda kiisaska cusub ee COVID-19 , gaar ahaan waddamada dhaqaalahoodu uu yahay dabaqadda dhexe amma kuwa uu hooseeyaba ay tahay mushkilad xoog leh oo mar kale muujin karta in la dagaalankiisa uu u baahanyahay waqti dheer.

Dr. Tewedros Adhanom Gabreyesus ayaa waxa uu hadalkaan uu sii daayay kusoo aadayaa xilli wadarta isku geynta kiisaska Coronavirus ee guud ahaan dunida laga diiwaan-geliyay ay gaarayaan ku dhowaad shan milyan oo xaalad, xanuunkaanna waxa uu guud ahaan kala xeray isu-socodkii caalamka  isagoo baabi’iyay dhaqaalaha dalal badan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]