4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 20, 2020
Taliyaha hogaanka Caafimaadka booliska Soomaaliya oo ka badbaaday qarax gaarigiisa lala eegtay
 

Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Taliyaha hogaanka Caafimaadka ee booliska Soomaaliyeed, Generak Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), ayaa ka badbaadey qarax lala Beegsaday oo ka dhacay isgoyska Banaadir ee magalada Muqdisho.

Hal askari oo katirsanaa ciiddanka ilaaladiisa ayaa ku geeriyooday qaraxaasi waxaana ku dhaawacmey 3 kale.

Taliyaha oo wareysi kooban laga qaaday qaraxa kadib ayaa sheegay in xilliga qaraxa lala eeganayay uusan la socon gaarigiisa.

“Hal saac oo subaxnimo ayuu gaarigayga igeeyay xerada ciiddanka, kadibna wuu igasoo noqday si usoo qaado sarkaal kale. Isagoo marayay inta udhexeysa isgoyska Banaadir iyo wakaalada biyaha ayuu la kulmay qarax, waxaana halkaas ku geeriyooday Xamse Maxamed Axmed Mooge,” ayuu yidhi Cali Gaab.

Cali Gaab ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay booliiska Soomaaliya, waxaana uu mar soo noqday taliyaha ciiddana booliiska gobolka Banaadir iyo taliyaha ciiddanka taraafikada gobolka Banaadir.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]