4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2020
Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay kiisas cusub oo Covid19
 

Sabti, May 2, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay inaay sii kordheen dadka qaba cudurka Covid19, waxaana aay sheegtay in 48 saac gudahood laga helay 70 qof.

Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in 67 qof aay joogaan gobolka Banaadir, 3 qofna aay ku suganyihiin Soomaaliland. Cudurka Karoona oo kusii faafaya Soomaaliya ayaa tirada guud ee laxanuunsan waxaay gaarayaan 671 qof.

“24 saac waxaa soo kordhay 70 xaaladood oo cusub oo ah Covid19, 67 qof waxaay joogaan gobolka Banaadir, 3 qof waxaay joogaan Soomaaliland. Xanuunkan wuu sii faafayaa waxaana muhiim ah in laqaato talooyinka Caafimaadka oo maalin walba aan soo gudbino”. Fowsiya Abiikar.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo aay ku xakameeyneyso cudurka, waxaayna sameeysaa wacyigalin, hasa-ahaatee dadka Soomaaliyeed ayaanan weli qaadan talooyinka kooxaha Caafimaadka.

Hiiraan Online, News Desk