
newsinsideWasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka Maxamed Saciid Cabdullahi ayaa sheegay inaay sameeyaan baaritaano islamarkaana aay soo gudbiyaan xog lasoo xaqiijiyay.
“Waxaan maalin walba soo gudbinaa xog kiisas lasoo baaray, waxaana dadka lawadaagnaa xog cilmi ku saleeysan, dowladu waxaay ku dadaaleysaa sidii dadka looga badbaadin lahaa cudurka Caronavirus. Madaxda dalku habiin walba waxaay yeeshaan kulamo, waxaana hada bilaabanaya olole ku aadan xakameeynta cudurkan”. Sidaas waxaa yiri wasiir ku xigeenka caafimaadka.
Khamiistii ayaay ahaayd markii wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu sheegay in qof walba oo dhinta uu u dhintay cudurka Covid19. Hasa-ahatee wasaarada caafimaadka ayaa sheegay inaay aqoonsanyihiin dadka aay baaraan. Tirada guud ee Covid19 ayaa kor u dhaafeeysa 600 oo qof, waxaana u geeriyooday 28 qof.
Hadalka wasiir Maareeye ayaa dood badan ka abuuray baraha aay ku kulmaan bulshada, waxaana kadhashay fal-celin kala duwan.
Hiiraan Online, News Desk