4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2020
Cumar Filish "12 maalmood gudahood waxaa Muqdisho ku geeriyooday 500 oo qof"
 

Sabti, May 2, 2020 (HOL) -Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlaayay munaasabad looga hadlay Covid19 ayaa sheegay in maamulku uu diiwaan galiyay dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in maalin walba aay geeriyoodaan 30 qof.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in aay sameeyeen tira koob ku aadan dadka ku dhinta Muqdisho, waxaana uu xaqiijiyay in 19-kii bishii hore ilaa hada ladiiwaan galiyay 500 oo qof oo ku dhintay magaalada Muqdisho.

“Xafiiska RW Kheyre ayaa nafaray inaan baaris ku sameeyno dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, tira-koobka waxaan biloownay 19-kii bishii hore, waxaan maalin walba gudbinaa tirada dadka dhinta, tiradii ugu yareeyd waxaay ahaayd 22 qof, tiradii ugu badneeyd oo aan u gudbinay xafiiska Raiisul Wasaaraha waxaay ahaayd 49 qof. Tirada guud waxaay noqoneeysaa 500 oo qof”. Sidaas waxaa yiri Cumar Filish.

Gudoomiyaha G/Banaadir ayaa hadalkiisa intaas kudaray inaay wadaan wacyigalin ku saabsan Covid19, waxaana uu dadka ugu baaqay inaay qaataan talooyinka caafimaadka.
 
Covid19 ayaa la’aaminsanyahay in si hoose uu ugu faafay dadka Soomaaliyeed. Dowlada ayaanan weli awood badan u lahaayn inaay xakameeyso faafista Covid19.

Hiiraan Online, News Desk