4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2020
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo gobolka Banaadir ku wareejiyay mashruuca taageeraya dadka nugul


Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xildhibaan Sadik Xirsi Warfa iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay mashruuc lagu caawinayo dadka danyarta ah ee nugul, oo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay maanta ku wareejisay gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho ,Cumar Filish ayaa munaasabadda saxiixa mashruuca oo ka dhacday xafiiska Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , wuxuu ka sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay, wuxuuna ka mahadceliyay dadaallada wasaaradda ee lagu taageerayo muwaadiniinta nugul iyo kuwa danyarta ah ee dhammaan gobollada dalka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ,Mudane Sadik Warfa ayaa sheegay mashruucan inuu billow u yahay mashaariic ay wasaaradda gaarsiinayso gobolka Banaadir iyo dadaallada wasaaradda ay ku dhimeyso saboolnimada.

"Mashruucan wuxuu muhiimad u leeyahay dadkeenna kuwaada nugul ee ku nool gobolka Banaadir, gobollada dalkana waxaa ka socda mashaariic midkan la mid ah oo taageeraya bulshada nugul, waa dadaalka dowladda ee lagu dhimayo saboolnimada si muwaadiniinteena ay u noqdaan kuwa ka soo gudba xariiqinta saboolnimada." ayuu yiri wasiir Sadik Warfa.

Mashruucan ayaa ku soo aadday xilli dhowaan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay gaarsiisay dowlad-gobolleedyada mashruucii ugu horreeyay oo dowladda Soomaaliya ay lacago caddaan ah ku siinayso dadka nugul iyo hooyooyinka heysta carruurta shanta sanno ka yar.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]