4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2020
Ayax fara ba'an ku haya degaanadii roobab ku helaan iyo xaalad roob la'aaneed oo degaanada qaar ka taagan
 

Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Iyadoo uu haatan gabagabo yahay xili roobaadkii Gu'ga ayaa laga dayrinayaa degaano badan oo ka mid ah gobolka Sool iyadoo ay jiraan duulaamo ayax ah oo ku habsadey dhul daaqsimeedkii biyo gu ku hooreen intoodii badnayd.

Degmada Taleex oo u badan dooxooyin dalsan ah xiliga ay doogsadaan ayaa la sheegayaa in ayax ku habsadey kaas oo isugu jira mid yaryar iyo mid waaweynba.

Cabdikariin Axmed Diiriye oo ku sugan magaalada Taleex ayaa HOL u sheegay in ayaxani sidii roobabku u bilaabmeen uu marba marka ka danbaysa uu sii xoogaysanayey, waxaanu gaadhey buu yidhi in ay xoolihii geli kariwaayaan dooxooyinka oo uu uga awood roonaado.

"Maaha ayaxan mid u soconaya sidii ayixii hore ee geediga ahaa, balse waa mid meeraysanaya oo marba jiho ka imaanaya" ayuu yidhi Cabdikariin waxaanu intaas raaciyey in roobyaraan iyo Ayaxan hadii ay isbiirsadaan ay noqon karto aafo.

Sidoo kale Maxamed Jaamac Mahad oo ku sugan degmada Xudun ayaa waxa uu sheegay in hadal haynta ugu badan ee degaanka taalaa ay tahay Ayaxa, mana jirto qaab ay dadku ula dagaalami karaan ayuu yidhi.

Degmada Laascaanood ayaa laf ahaanteeda degaano badan lagu sheegay waxaadse moodaa in ay weli ka ladan yihiin degaanada kale walow ay qabaan cabsi ah in geedi horleh ku yimaado oo ayaxa ah.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa degaano badan oo aan weli roob heli taas oo sababtay geedi iyo hayaan is dabamaray, waxaana la arkayaa gaadiid reero wada oo u socda bari iyo kuwo bari ka yimi oo galbeed ku jeeda taasina badanaa waxaa la sheegayaa in ay dhacdo marka roobku googooska yahay.

Si kastaba ha ahaatee xaalada saadaasha ayaan wanaagsanayn iyadoo dadka xidigiska yaqaan ay sheegeen in badanaa degaanadan sano Arbacaad aan la mahadin hadana weli ta Alle waa meesheeda biyo gu'na xiligii loo bartay labaatameeyo habeen ayaa baaqi ah.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood