4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2020
Dalka Nigeria, haweeney qabtay coronavirus oo umushay ilmo caafimaad qaba
 

Axad, May 17, 2020 (HOL) - Madaxda sare ee waddanka Nigeria ayaa waxay sheegeen in haweeney la xanuunsaneyd COVID-19 ay umushay cunug caafimaad qaba, kadib markii ay foolatay iyadoo ku jirta qol lagula tacaalayay caafimaadkeeda.

Arrintaan ayaa ka dhacday cisbitaal ku yalla magaalada Abuja.

Guddoomiyaha Gobolkaasi ayaa waxa uu bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal kooban uu arrintaasi kaga hadlayo, isagoo ku tilmaamay arrin farxad u laheyd guud ahaan dadka reer Nigeria, gaar ahaan shacabka ku nool Abuja.

“Haweeney ku jirtay qolka karaantiilka, ayaa dhashay cunug caafimaad qaba, kadib markii ay foolatay, oo qalliin lagu sameeyay”  sidaasi waxaa qoraalkiisa ku sheegay guddoomiyaha Abuja, Sanoo-Oulu.

Wuxuu dhinaca kale tilmaamay in hooyada iyo cunuggeedaba ay caafimaad qabaan.

 Dalka Nigeria, xanuunka COVID-19 ayaa soo ritay dad gaaraya 5,621 ruux, waxaana u dhintay dad gaaraya 176 qof,  sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee waddankaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]