4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2020
Madaxweynaha Puntland oo si kulul u cambaareeyay dilka guddoomiyihii gobolka Mudug
 

Axad, May 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulal u cambaareeyay dilkii loo geystay guddoomiyihii gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, oo maanta lagu qaarajiyay weerar ismiidaamin ah oo lagula eegtay magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa falkaas ku tilmaamay fal argigixiso, isagoo sheegay in ay ciidamada Puntland ka hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka lagu dilay guddoomiyihii gobolka gobolka Mudug iyo qaar kamid ah ilaaladiisa. Waxayna tilmaameen in lagu fuliyay camaliyad istish-haadi ah oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Marxuumadka ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu ku sheegay in hay’addaha amnigu ku wargaliyeen inuu is ilaaliyo oo joojiyo shirarka iyo kulamada uu ka qeyb galayo, kadib markii la helay xog tilmaamaysa in lagusoo wajahan yahay.

Waa guddoomiyihii labaad oo Puntland katirsan oo lagu dilo weerar ismiidaamin ah muddo 50 cishe gudaheed ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]