4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2020
Golaha xukuumadda Galmudug oo la meel-mariyay
 


Axad, May 17, 2020 (HOL) - Waxaa maanta cod aqbaliyad ah lagu ansaxiyay golahii wasiirada uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”,  kaaso oo qudhiisa joogay fadhiga Baarlamanku ay yeesheen.

Ka hor inta aysan xildhibaannadu u qaadin codka meel marinta ah ayaa waxa uu madaxweyne Qoorqoor ka dalbaday in ay aqbalaan oo ay u meel mariyaan golahiisa wasiirrada si loo wajaho shaqooyin adag oo u yaalla Maamulka Galmudug.

Intaasi kadib 78 xildhibaan oo madasha fadhiyay ayaa meel mariyay xukuumadda uu soo dhisay madaxweynaha cusub ee Maamulkaasi.

Wasiirrada maanta la ansixiyay ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ka mid yihiin  hir-gelinta nidaamka dowladnimo iyo baahinta adeegga shacabka Galmudug ay u baahanyihiin.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]