Axad, May 17, 2020 (HOL) - Guddoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur iyo qaar kamid ah ilaaladiisii ayaa ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug.
newsinsideGaari Bajaaj ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala eegtay guddoomiyaha gobolka Mudug oo markaas xafiiskiisa gobolka Muudg kasoo baxay.
Waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare weyn oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta ku sugnaa iyo gaadiid.
Weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, iyadoo weli gurmadka uu socdo.

Dilka guddoomiyaha ayaa kusoo aadaya bil iyo badh kadib markii sidaan oo kale qarax lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdi Salaan Xirsi Gujir, taariikhdu markay ahayd 29 bishii March ee sanadkaan.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]