4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2020
Kenya oo xirtay xuduudaha ay la wadaagto Tansaaniya iyo Soomaaliya
 

Axad, May 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa mamnuucay dhaqdhaqaaqa xuduudaha dalka ee kala dhexeeya Tansaaniya iyo Soomaaliya si looga hortago faafitaanka cudurka coronavirus.

Wuxuu ka reebay gawaarida xamuulka laakiin wuxuu yiri darawalada waa in laga baaraa COVID-19.

"Waxaa jiri doona joojinta dhaqdhaqaaqa dadka iyo wixii wata gawaarida rakaabka iyo gawaarida soo galaya iyo kuwa ka baxaya gudaha Kenya ee kasoo galaya xadka caalamiga ee Kenya iyo Tansaaniya," ayuu Kenyatta ku sheegay khudbad uu telefishinka ka sheegay.

Tallaabooyin isku mid ah ayaa lagu dabaqi doonaa xadka ay la wadaagaan Soomaaliya, ayuu yiri madaxweynuhu.

Kenyatta ayaa sidoo kale 21 maalmood kordhiyay bandoowga xayiraada dhaqdhaqaaqa gudaha iyo dibedda aagagga Kenya ee uu ku dhacay dillaacay coronavirus.

"Waan ogahay inay jirto cadaadis sii kordhaya oo caalami ah oo ku saabsan tallaabooyinka ka dhanka ah cudurkan iyo dhammaanteen inaan ku soo noqonno caadi," ayuu yidhi.

"Waxaan sare u qaadi doonnaa difaaceena annaga oo adeegsanayna tallaabooyin ka hortag oo maxalli ah," ayuu yidhi Uhuru.

Kenya waxay diiwaan galisay 830 kiis oo cudurka coronavirus, oo ay ku jiraan 50 qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]