4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2020
Bangiga Aduunka oo ansixiyay $ 137m oo Soomaaliya lagu caawinayo
 

Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Bangiga adduunka ayaa oggolaaday $ 137 milyan oo doollar si loogu xoojiyo dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah COVID19, abaarta iyo fatahaadaha.

Qoraal ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa lagu sheegay in Bangiga Aduunku uu maanta ansixiyay $ 137.5 milyan oo doolar oo loogu tala galay in lagu caawiyo Soomaaliya si ay uga jawaabto ugana soo kabato dhibaatooyin badan oo hada socda.

Bangigu wuxuu cadeeyay in lacagaha ku hoos jira Mashruuca Jawaab celinta Dhibaatooyinka Soomaaliya (SCRP) ay taageero deg deg ah siin doonaan meelaha ay dhibaatooyinka ugu daran ka soo gaarsiiyeen, iyagoo taageeraya dib uga soo kabashada fatahaadaha iyo aagagga ay abaartu saameysey sidoo kale waxay sii xoojin doontaa nidaamyada dowladda iyo awooda u diyaarsanaanta musiibada.

Agaasimaha Bankiga Aduunka Felipe Jaramillo ayaa sheegay in qalalaasaha sanadlaha ahi ay caqabad ku yihiin dagaalka Soomaaliya ee lagula jiro saboolnimada laakiin wuxuu xusay in dib u soo celinta xiriirkii ay Soomaaliya la lahaan jireen hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah ay haatan u saamaxday dalka inuu helo maalgalin horumarineed.

"Dhibaatooyinka sii kordhaya ee aadka u badan ayaa curyaaminaya fursadaha Soomaaliya ee ah inay ka baxdo wareega nugul iyo saboolnimada. Xitaa iyada oo ay ka soo kabaneyso abaarta, Soomaaliya waxa ay wajahaysaa saddex laab oo ah Ayax, fatahaad, iyo COVID-19, ”ayaa uu yiri Jaramillo.

Deyn bixiyaasha caalamiga ah ayaa sheegay in $ 20.5 milyan oo ka mid ah lacagaha la ogolaaday lagula diri doono cudurka COVID19.

Wasiirka maaliyadda C / raxmaan Beileh ayaa sheegay in deeqdani ay muhiim u ahayd dhisidda u adkeysiga dalka iyo awoodda muddada fog si wax looga qabto caqabadaha soo ifbaxaya.

Beileh wuxuu yiri "Mashruucan waxaan u arkaa  inuu yahay fursad muhiim ah oo wax ku ool ah oo wax looga qabanayo kala guurka bina-aadamnimada iyo asaasidda aas aaska hirgelinta maalgashiga muddada dheer ee soo kabashada iyo horumarka dalka.”

Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda diiwaangelisay tirada ugu badan ee kiisaska COVID19 ee Bariga Afrika oo gaartay in ka badan 1200.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]