4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2020
Beledweyne : Dhimasho ka dhalatay fatahaada magaalada Beledweyne


Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay fatahaada wabiga Shabeelle kadib markii aay qaadeen biyo xowli ah oo kasoo rogmaday wabiga, waxaana lasoo badbaadiyay in kabadan 10 qof.

Qofka ku dhintay biyaha ayaa lasheegay in lahelay meeydkiisa saacado kadib markii uu ku dhacay wabiga, waxaana laga helay meel u dhaw kaliga Waraaboole ee galbeedka Beledweyne. Sidoo kale waxaa lasoo badbaadiyay 10 qof oo aay ku jiraan dumar.

Ciidanka Booliska Beledweyne oo badbaadiyay dadka ayaa sheegay inaay halis yihiin biyaha islamarkaana aay muhiim tahay in shacabku uu joojiyo isu-socodka xaafadaha magaalada.

Kiliga Dhagaxjibis oo isku xira gudaha magaalada iyo goobaha loo barakacay ayaay dadku kala kulmaan saameyn aad u weeyn waxaana sanadihii hore ku dhintay dad ka badan 4 qof, balse sanadkan taliska Booliska ayaa ciidan badan ku daadiyay goobaha ugu halista badan ee dadku aay ku dhacaan.

Fatahaada Beledweyne ayaa sanad walba geeysata qasaaro naf iyo maalba leh, welina laguma guuleeysan in xal-waara loo helo dhibaatadan.  

Hiiraan Online News Disk