4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2020
Somaliland oo laga helay kiisas badan oo COVID-19 ah
 

Sabti, May 16, 2020 (HOL) - War kasoo baxay goor dhow wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 19 xaalad oo cusub oo COVID-19 ah  laga helay deegaannadaasi, taas oo kor usii qaadday guud ahaan tirada uu soo riday xanuunka Coronavirus.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegaya in laba ruuxna ay u dhimatay cudurka .

Diiwaanka wasaaradda caafimaadka Somaliland ee ku saabsan  COVID-19 ayaa waxaa ku cad in wadarta guud ahaan dadka uu xanuunka kusoo ritay deegannadaasi ay gaarayaan 87 qof, waxaana u geeriyooday sideed ruux.

Dadka laga helay xanuunka ayaa waxaa ku jira shakhsi da’diisu ay tahay dhowr iyo toban sano jir, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Bukaannadan cusub ee laga helay COVID-19 ayaa kala jooga magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]