4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2020
Midowga Yurub oo lacago maalaayiin Euro ah ku taageeraya dalalka geeska Afrika
 

Sabti, May 16, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in lacag dhan €105.5 ay ku taageerayaan waddamada ku yaalla geeska bari ee qaaradda Afrika, si wax looga qabto xaaladaha Bani-aadannimo ee ka taagan dalalkaasi.

“Midowga Yurub waxaa ka go’an garab istaagga dalalkaasi wajahaya xaaladda adag, sida  xanuunka Coronavirus oo ay hadda la tacaalayaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Midowga yurub.

Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in saamiga ugu badan lacagtaasi hesho, waxa uuna qorshuhu yahay in la siiyo qarash gaaraya €48 million, halka Jabuuti loo qoondeeyay lacag dhan shan boqol oo kun oo Euro (€500,00), lacagtaas waxaa sidoo kale la gaarsiin doonaa dalalka Kenya iyo Itoobiya oo qudhooda la tacaalaya xanuunka COVID-19.

Waddamada ku yaalla geeska bari ee qaaradda Afrika ayaa waxay la tacaalayaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin colaado, isbedalka cimilada, faqri iyo xanuunka Coronavirus oo dhibaato xooggan oo caafimaad iyo mid dhaqaalaba u geystay.

Abdulaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]