4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2020
Dowlada federaalka iyo Hirshabeelle oo aan gargaar u fidin dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne


Jimco, May 15, 2020 (HOL) - Mudo ku dhaw todobaad waxaa banaanada waran dadkii ka barakacay fatahaada magaalada Beledweyne, waxaana haaysta dhibaatooyin dhinaca nolosha ah.

Dadka oo ka barakacay biyaha wabiga Shabeelle ayaa waxaay lakulmeen biyo la'aan ka jirta deegaanada aay u barakaceen. Dadka qaarkiis ayaa inoo sheegay in dabeeylo xoogan aay ka qaadeen cooshadihii aay dagaansadeen.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo u waramay VOA ayaa sheegay in weli aay wadaan kormeer aay ku sameeynayaan dadka barakacay, waxaana uu baaq u diray dowlada federaalka, hay'adaha iyo beesha caalamka isagoo ka codsaday in lacaawiyo dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne.

Gudoomiyaha Hiiraan mar wax laga weydiiyay sababta wax loogu qaban waayay lacagtii deeqda ahaayd ee dowlada federaalku aay u fasaxday Hirshabeelle ayaa waxuu ku jawaabay. “ Lacagtaas waxaay ku jirtaa qasnada Hirshabeelle, waxaana weli soconaya talooyinka ku saabsan waxii lagu qaban lahaa”.
 
Dowlada federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa indha ka dabooshay masiibada ka dhacday magaalada Beledweyne taasi oo aay ka barakaceen 70% dadkii ku noolaa xaafadaha Beledweyne.

Wabiga Shabeelle ayaa harqiyay dhamaan xaafadaha magaalada Beledweyne, waxaana xirmay ganacsiga iyo isu-socodkii dadka magaalada. Biyaha ayaa qariyay xaafadaha qaar, waxaana aay jareen dhamaan wadooyinka magaalada.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dhawaan shaaciyay in aay heleen lacag gaareeysa 1,142.000 oo dollar oo ahaayd lacag loogu deeqay shacabka Beledweyne fatahaadii sanadkii hore, balse ilaa hada ma gaarin shacabka dhibaateeysan.

Beledweyne ayaa wehel u noqotay fatahaada wabiga Shabeelle, waana markii labaad oo sanad gudihiis dadku aay ka barakacaan fatahaada.

Hiiraan Online News Disk