4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2020
Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland oo culumada amray in la xiro Masaajidda
 

Jimco, May 15, 2020 (HOL) - Ayadoo mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo kusoo badanayeen kiisaska cudurka COVID19 islamarkaana afartii qof ee ugu horeeyay ay cudurka ugu geeriyoodeen magaalada ayuu Madaxweynaha Jubbaland kulan deg-deg ah isugu yeeray Culumaa'udiinka iyo imaamyada masaajidda Kismaayo.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo xiri lahaa Masaajidda maadaama cudurku sii faafayo islamarkaana ay sahlantahay in goobaha dadku ku badanyihiin oo ay kamid yihiin Masaajidda ku faafo.

Madaxweynaha ayaa Kulanka kadib faray imaamyada masaajidda in gabi ahaanba la xiro masaajidda, waxaana culumada ku amray in ay u hogaansamaan awaamiirta dowladda.

Jubbaland ayaa hore u amar uga soo saartay ,garoomada lagu dheelo kubadda cagta iyo hoteellada kuwaa oo lagu soo rogay amarro lagu xirayo, Sidoo kale masaajidda ayaa horay loo faray in ay xiraan qeybaha weeysada, salaadda Taraawiixdana joojiyaan, balse amarka maanta ayaa ka badalan oo waxa la faray in gabi ahaanba la xiro masaajidda.

Sida uu xaqiijiyay guddiga kahortagga COVID19 ee Jubbaland, baaritaannadii ugu danbeeyay ee la sameeyay ayaa laga helay cudurka 58 qof, halka afar qofna ay u dhinyeen xanuunka.

Hiiraan Online News Disk