4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2020
Gudoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho kusoo wajahan
 

Jimco, May 15, 2020 (HOL) - Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federalka Soomaliya  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Gudoomiyaha aqalka sare  Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa maanta diyaarad gaar kasoo raacay halkaasi ayagoo kusoo wajahan dalka.

Masuuliyiinta oo howlo shaqo u aaday Turkiga ayaa ku go'doomay halkaasi kadib markii cudurka safmarka ah ee COVID19 uu sabab u noqday in duulimaadyadii caalamka kala xirxirmaan.

Masuuliyiinta oo hore u shaacisay in ay xiranyihiin kulamadii Baarlamanka sababo la xiriira cudurka Corona ayaa iman doona Muqdisho, waxaana horyaal arrimo badan oo looga fadhiyo Baarlamanka oo ay ugu muhiimsanyihiin arrimaha doorashooyinka.

Masuuliyiintaan waxaa safarka ku wehilya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaano ka tirsan Labada aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.




Hiiraan Online News Disk