4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2020
Hay’adaha ka howlgala Beledweyne oo bilaabay inaay biyo siiyaan dadkii ka barakacay fatahaada Beledweyne


Khamiis, May 14, 2020 (HOL) - Dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne ayaa waxaay lakulmeen xaalado adag oo dhinaca nolosha ah, waxaana kamid ah hooy iyo biyo la’aan. Hay’adaha ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa bilaabay biyo dhaamin si dadku aay u helaan biyo nadiif ah.

Hay’ada Save the children xafiiska Beledweyne ayaa bilaabay inaay  biyo siiyaan dadkii ka barakacay fatahaada Beledweyne, waxaana masuulyiinta hay’adu aay sheegeen in biyaha lasiin doono dad gaaraya 4,444 qows (Afar kun afar boqol afartan iyo afar qoys), waxaana biyo dhaamintan aay socon doontaa 15 maalmood.

Gudoomiyaha degmada Beledweyne Cismaan Dhicisow Dhuboow ayaa u mahadceliyay hay’ada Save oo uu sheegay inaay kasoo jawaabtay baaqii aay u direen, waxaa uu baaq u diray hay’adaha kale isagoo ka codsaday inaay ka qeyb-qaataan gurmadka loo sameeynayo dadka aay fatahaadu saameeysay.

Madaxa gargaarka iyo maareeynta masiibooyinka ee Gobolka Hiiraan Xaawo Maxamed Axmed ayaa sheegtay inaay sii socon doonaan biyaha lasiinaayo shacabka dhibaateeysan, waxaa kale oo aay sheegtay inaay muhiim tahay in dadku aay helaan biyo nadiif ah.

Biyaha ayaa laga keenayaa deegaanka Ceelgaal oo 13km dhanka waqooyi ka xiga Beledweyne, maadaama aay fatahaadu aay saameeysay ceelasha Beledweyne. Dad aad u yar ayaa ka faa’ideeysan doona biyahan maadaama aay badanyihiin dadka ka barakacay.

Dadkan oo ka barakacay biyaha wabiga Shabeelle ayaa waxaay lakulmeen biyo la’aan, waana kaalmadii ugu horeeysay ee aay helaan dadka barakacay.

Hiiraan Online News Disk