4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 14, 2020
WHO oo sare u qaaday hawlgallada COVID-19 ee Soomaaliya iyada oo ay jirto cabsi laga qabo in xaaladdu sii xumaato
 

Khamiis, May 14, 2020 (HOL) - Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in ay sii xoojiyeen dadaallada waxqabadka ee COVID-19 ee la xiriira raadinta dadka laga helo Soomaaliya xilli ay sii kordhayaan caabuqyada Covid19.

WHO ayaa sheegtay in ay daad gureysay in ka badan 4,000 oo ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka bulshada, kuwaas oo mid kastaa uu booqanayo ugu yaraan 5,000 qoys bil kasta si loo ogaado kiisaska aan lasoo diiwaan galin.

Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waxay kiis kasta oo looga shakisan yahay COVID-19 iyada oo loo marayo booqashooyinkooda guri-ka-guri, ku wargaliyaan kooxda jawaab-celinta deg-degga ah ee degmooyinka iyagoo adeegsanaya barnaamij furan oo loogu talagalay aruurinta, maareynta iyo adeegsiga xogta deegaannada cakiran.

Mamunur Rahman Malik, oo ah wakiilka WHO ee Soomaaliya, ayaa sheegay in hay'addu ay sii wadi doonto taageeridda hawlgalkan gudaha illaa inta laga arkayo dhamaadka cudurka COVID-19 ee dalka.

Soomaaliya ayaa ilaa iyo hada xaqiijiyey 1.219 xaaladood, 51 dhimasha iyo 126 soo kabasho iyadoo ay jirto walaac laga qabo heerka sare ee faafitaanka cudurka bulshada dhexdeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]