4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2020
Sarkaal ka tirsanaa Jubbaland oo sheegay in hoygiisa lagu soo weeraray
 

Arbaco, May 13, 2020 (HOL) -  Gen Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo ahaa la taliyaha madaxweynaha Jubbaland ee dhinaca amniga mudooyinkii u danbeeyay kamid ahaa siyaasiyiinta ay Madaxweynaha ku kala aragti duwanyihiin siyaasadda Jubbaland ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay uga hadlay weerar uu sheegay in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland kusoo qaadeen hoygiisa, isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay in ciidankaasi uu soo diray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waxa uu sheegay in aysan marna suurogal ahayn cabsi gelin iyo caga-jugleyn in lagula dhaqmo shacabka iyo siyaasiyiinta reer Jubbaland ee sida xorta ah aragtidooda u cabira.

Waxa uu sheegay in askar ka tirsan ciidanka Madaxtooyada oo watay gaadiid nooca dagaalka ay isku dayeen in ay gurigiisa xoog kusoo galaan balse ay kahor istaageen ciidankii ilaalada u ahaa.

Waxa intaa uu ku daray in markii ay xaaladdu meel halis ah mareeyso ay usoo gurmadeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Madaxda Jubbaland arrintan weli kama hadlin Gen. Cabdi Mahdi ayay siyaasad ahaan kala boodeen Madaxweynaha Jubbaland oo uu la taliye u ahaa, Kamana mid ahayn garabyadii mucaaradka ee ay is Hayeen Axmed Madoobe ee ay dhawaan Heshiiska gaaraan.

Hiiraan Online News Disk