4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2020
Rag ku eedeysnaa dilka taliyahii ciidamada Gorgor oo xukun lagu riday
 

Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Maxkamadda darajada koowaad  ee ciidamada qalabka sida ayaa waxay maanta xukun ku ridday afar ruux oo loo haaystay in ay ka dambeeyeen dilkii loo geystay taliyihii ciidamada Gorgor Maxaadeey Saleebaan Eebakar oo  ku dhintay rasaas ay ku fureen ilaalada Hotel-ka Maa’idda Ex- Naasa hablood ee magaalada Muqdisho 18-kii –October-2019.

Afarta ruux ee la xakumay oo dhammaantood joogay maxkamadda, waxaana laba kamid ah lagu riday xukun ah dil toogasho, halka laba kalena lagu xukumay shan sano oo ah xabsi ciidan.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay baaritaan dheer kadib, dhageysiga doodda dacwad oogayaasha iyo garyaqaannada  dhinaca kale difaacayay  oo ay wehliyaan marag furka marqaatiyaal maxkamadda hor yimid, kadib ay qaateen go’aanka maxkamadda oo ah.

 

In eedeysanayaashii kala ahaa  dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim ay ku heleen dambiga ah dilka taliyihii Gorgor iyo shakhsi kale oo isla goobta kula dhintay , sidaas darteedna ay Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho halka labadii eedeysane ee kale ay Maxkamadda ku ridday xukun ah shan sano oo xabsi ciidan ah.

Dhinaca kale waxa uu guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga uu sheegay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaas in uu u furanyahay racfaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]