4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 13, 2020
Midowga Afrika oo codsaday in ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waqtiga loo kordhiyo
 

Arbaco, May 13, 2020 (HOL) - Midowga Afrika ayaa soo jeediyay in hal sano oo dheeraad ah loogu daro joogitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Madaxa golaha ammaanka iyo nabadda Smail Chergui ayaa isbuucaan u sheegay guddiga in ay muhiim tahay sii socoshada howlaha AMISOM ee Soomaaliya , taas oo ay ku ilaalinayaan nabadda durbana muuqata ee la gaaray, lana xaqiijiyay guulo badan.

“Waxaa lagama maarmaan ah in aan si taadarleh uga fikirno goolahii laga gaaray dhibaatadii ka taagneyd Soomaaliya, taas oo ay naftooda u hureen Soomaali badan, AMISOM iyo saaxiibbo kale, waana wax wanaagsan in geeddigaas horay loo sii wado si loo soo celiyo nabaddii Soomaaliya ka jirtay 30 sano ka hor”. Ayuu yiri Chergui

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu intaa ku daray in ahdaafta la xaqiijiyay aan si fudud loo lumin,  balse ay horay usii socdaan si qurux badan , oo xushmad badani ku dheehantahay, si wanaagsanna la isugu wareejinayo ammaanka dalka iyo gacan ku haayntiisa.

”Asbaabaha aan soo sheegay awgii, waxaan soo jeedin lahaa in ay guddiga sameeyaan hal sano oo dheeraad ah oo lagu kordhinayo waqtiga joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa la filayaa in ay ka fadhiistaan arrinta AMISOM inta lagu guda jiro bishaan, waxaana suuragal ah in ay u kordhiyaan waqtiga.

Guddigaas ayaa horay u qorsheeyay in sanadka 2021-ka in ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya  ay dalka isaga baxaan , ammaankana lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya , kadib tobannaan sano oo ay ciidamada AMISOM dalka joogeen.

Bishii February ee sanadkaan waxaa Soomaaliya laga saaray kun askari, taas oo tirada guud ee ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka dhigtay sagaal iyo toban kun (19,000) oo askari .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]