
newsinsideTaliye Xijaar ayaa waxa uu xilka taliyaha booliska Galmudug u magacaabay Janaraal Bishaar Abshir Geeddi oo horay xilal kala duwan ugasoo qabtay booliska Soomaaliyeed.
Janaraal Bishaar Abshir ayaa horay usoo noqday taliyahii qeybta booliska Gobolka Banaadir, taliyaha dembi baarista CID-da iyo jagooyin kala duwan.
Waana sargaal ay shaqadiisa aad uga dhex-muuqatay booliska Soomaaliyeed sanadihii dembe.
Magacaabistiisa waxay imaaneysaa xilli saraakiisha sare ee boolisa Galmudug qaarkood uu u dhexeeyo khilaafaad sababay in xubno sare ay shaqadii ay hayeen iska casilaan, waxaana la eegayaa sida shaqada dhinaca ammaanka iyo tan khilaafka saraakiisha uu ugu guuleysan lahaa inuu xalliyo
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho