4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2020
Boqolaal qoys oo ka barakacay fatahaada Beledweyne


Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay fatahaad xooggan ka geystay magaalada Beledweyne, waxaana dhammaan xermay jidadka isku xira xaafadaha kala duwan taas oo dhibaato adag ku haaysa bulshada .

Dadka ayaa ka baxay guryahooda waxa ayna  dageen Ceel-jaalle oo dhanka bariga ka xigta Beledweyne. Waxayna hadda wajahaya xaalad adag oo dhinaca nolosha ah,  maadama aysan haaysan hooy, biyo nadiif ah iyo guryo.

Qaar kamid ah dadka ka barakacay gudaha magaalada Beledweyne  oo aan lahadalnay ayaa innoo sheegay wajahayaan  xaalad adag, iyaga oo codsaday gacan bani aadannimo oo deg deg ah .

Wararka sidoo kale laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ay jiraan qoysas weli ku xayiran gudaha xaafadaha ay deganyihiin, biyahana ay jiho walba ka mareen , waxayna ubaahanyihiin gurmad lagusoo samaya-bixiyo.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo guddiga ka hortagga iyo xakameynta fatahaadda magaalada Beledweyne oo maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa in ay biyaha celiyaan, ayaa hadda waxa uu dadaalkoodii u muuqanayaa mid ay daadadka ka awood badiyeen, waxeyna shacabka uga digeen in ay ka fogaadaan dhulalka godka ah iyo hareeraha wabiga.

Magaalada Beledweyne ayaa lix bil ka hor waxaa saameeyay fatahaad xooggan oo ku dhufatay, taas oo marka laga yimaado khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay ay ku dhinteen 25 ruux oo qaarkood ay ahaayeen mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle.

Hiiraan Online news disk