4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 12, 2020
Dadka deegaanka Lamu oo ku baaqay in la dhaqan-galiyo xiritaanka xadka Kenya iyo Soomaaliya
 

Talaado, May 12, 2020 (HOL) - Dadka ku nool gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa ka cabanaya in aysan dowladdu si buuxda u dhaqan-galin xayiraadda ganacsiga ka tallaaba xudduudda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya.

Waxay sheegeen inay xaalad cabsi badan ka dhalan doonta inuu ka dillaaco Covid-19 gobolka Lamu.

Waxay sheegeen in ganacsatada miraa iyo kalluumeysatada ka socda Kenya ay sii wadaan inay ganacsi la yeeshaan dhiggooda Soomaaliya iyada oo aan lagu sameyn baaritaannada lagama maarmaanka u ah Covid-19.

Lamu waxay ka mid tahay gobollada aan wali laga diiwaangelin kiis keliya oo ah Covid-19. Dhinaca kale, Soomaaliya,  waxay ka mid tahay waddamada uu cudurku ku dhuftay Bariga Afrika, iyadoo la xaqiijiyay in ka badan 1000 qof.

Magaalooyinka uu sida aadka ah u saameeyay waxay kala yihiin Muqdisho, degaanada Puntland iyo Hirshabelle.

Bishii Juun ee sanadkii hore, ayay dawladda Kenya xidhay xadka Kenya iyo Soomaaliya taas oo ah tallaabo looga hortagayo tahriibinta dadka, ganacsatada xiriirka laleh argagixisada ah iyo tahriibinta alaabada ganacsiga.

Odeyaasha maxalliga ah, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo u dhaqdhaqaaqayaasha Lamu ayaa si kastaba ha ahaatee, walaac ka muujiyey in xaaladdu ay ka dhalan karto inuu si buuxda u dillaaco Covid-19 haddii aan la qaadin tillaabooyin lagu hubinayo mamnuucidda ganacsiga xudduudaha.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online