4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Soomaaliya: 52 ruux oo u geeriyootay Karona Fayrus

Isniin, May 11, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in hal ruux uu u geeriyooday, 3 qofood oo kalana ay ka bogsoodeen, iyo in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 24 Somaliland 8 iyo Puntland 3.

Bukaannada cusub 25 kamid waa rag 10-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,089 xaaladood, 52 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 121 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ayna ku dhaqmaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

Hiiraan Online News Desk