4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 11, 2020
Shan ruux oo ku geeriyootay guri ku dumay magaalada Muqdisho
 

Isniin, May 11, 2020 (HOL) - Shan ruux oo isku qoys ah oo afar   kamid ah ay carruur yihiin ayaa ku dhintay guri ay ka deganaayeen xaafadda Buula-xubeey ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka Ceel-qalow  oo uu guriga ku yaallay,

“Waxa dhacay waa arrin xanuun badan, gurigu wuxuu ahaa mid qadiimi ah, roobkii xoogganaa ee xalay ka da’ay Muqdisho ayaana sabab u ahaa inuu gurigaasi dumo” sidaasi waxaa Idaacad Maxalli ah u sheegay haweeney daris la aheyd qoyska uu xalay ku dumay guriga.

Faafaahinta ay Hiiraan Online ka heleyso xubnaha qoyskaas ku dhintay burburka guriga ayaa waxay sheegayaan in ay ahaayeen Afar carruur ah iyo ayeeyadood.

Dhinaca kale roob mahiigaan ah oo xalay ka da’ay Muqdisho ayaa saameeyay boqollaal qoys oo barakacayaal ah kuwaas oo kunool Aqallo aan awood badan laheyn oo ka sameysan Ulo, baco iyo kaakado la isku geegeeyay.

Waxayna qaarkood ka codsadeen dowladda dhexe , Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada Muqdisho in ay garab siiyaan , si looga samata-bixiyo xaaladdan adag oo ay wajahayaan.


Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online , Muqdisho