4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2020
Hay’adda NRC “Soomaaliya waxay wajaheysaa shan marxalad oo adag”
 

Axad, May 10, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda waddanka Norway u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee NRC ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad adag oo dhinaca nolosha ah loona baahanyahay in si dhaqsa ah looga jawaabo.

“Soomaaliya waxay hadda wajaheysaa shan marxalad oo adag oo sii xumeynaya nolosha waxaana kamid ah, dagaallada weli dalka ka soconaya, xanuunka safmarka ah ee COVID-19, baahi waddanka ka jirta , Ayax saameeyay deegaanka iyo daadad barakiciyay dad fara badan “ ayuu  yiri madaxa NRC ee Soomaaliya Victor Moses.

Waxa uu sidoo kale sheegay in daadadka ka dhacay meelo kamid ah waddanka ay saameeyeen laba boqol oo kun oo dad ah, toddobaatan kunna ay ku barakaceen , waxa uu sidoo kale tilmaamay in dad ay horay ugu sameeyeen ganacsiyo yar yar ay guud ahaanba ka burbureen wixii loo maal-geliyay.

Hay’addu waxay intaa ku dartay in ay aad uga walaacsantahay xaaladda caafimaad oo ay ka cabsi qabto marka laga yimaado COVID-19, in daadadka meelaha qaar ku fatahay ay ka dillaacaan xannuunnada biyaha ka dhasha sida duumada iyo shubanka.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online Muqdisho