4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2020
Dowladda Soomaaliya oo looga digay inay dib u dhigto doorashada
 

Axad, May 10, 2020 (HOL) - Hay’adda xasaradaha adduunka ee ICG, ayaa ka digtay halista ka dhalan karta haddii dowladda Soomaaliya si iskeed ah dib ugu dhigto doorashada sababo la xiriira coronavirus iyada oo aan lagala tashan kooxaha mucaaradka.

"Tallaabooyinka looga faa'iideysto qalalaasaha - gaar ahaan go'aan kasta oo mideysan oo ay dowladda federaalku ku doonayso in dib loogu dhigo doorashooyinka - waxay khatar weyn u geysan kartaa mashruuca dhismaha dowlad-dhisidda Soomaaliya ee caalamiga ah," ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay hay’addu

ICG waxay dowladda Soomaaliya ku boorisay inay iska caabiso isku dayga ah in loo kordhiyo jadwalka doorashada ama wax laga beddelo xeerarka codeynta taasoo keeni karta rabshado.

"Xukuumadda Soomaaliya waa inay iska ilaalisaa inaysan qalalaasa siyaasadeed ku darin gurmadka caafimaad ee dadweynaha," ayay tidhi ICG.

Qaar kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo ururada siyaasada ayaa ku eedeeyay dowladda federalka inay ku howlan tahay muddo kororsi iyadoo ka faa’idanaysa safmarka Covid19.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online