4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 10, 2020
Taliska qeybta 27: Waxaan furi doonaa wadada isku xirta Beledweyne iyo Buuloburte
 

Axad, May 10, 2020 (HOL) - Taliska qeybta 27 ee CXD ayaa sheegay inaay ku howlanyihiin furitaanka wadooyinka gobolka Hiiraan oo aay ku suganyihiin ururka Al-shabaab. Taliska ayaa sheegay inaay hore ugu guuleeysteen furitaanka wadooyinka gobolka Shabelada Dhexe.

Taliye ku xigeenka qeybta 27 ee CXD Jeneraal Saalax Yacquub ayaa sheegay in muhiim tahay furitaanka wadada xariirisa Beledweyne iyo Buuloburte oo shacabka aay dhib xoogan kala kulmaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan diyaaraneeynaa sidii aan u furi lahaayn wadooyinka gobolka Hiiraan gaar ahaan wadada isku xirta Beledweyne iyo Buuloburte, wadadan muhiim ayaay u tahay shacabka, waxaana adkaaday ganacsiga isaga kala goosha deegaanadan. Ciidanka waxaa ka go'an inaay xoreeyaan wadooyinka gobolka”. Sidaas waxaa yiri Jeneraal Saalax Yaacquub.

Ciidanka dowlada ayaa degmada Buuloburte lawareegay sanadkii 2014, waxaana waqtigaas kadib go'doon galiyay Al-shabaab oo diiday gaadidka ka baxa ama soo gala degmada, waxaana saameeyn kala kulmay dadka deegaanka.

Hiiraan Online News Desk