4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2020
Somaliland oo sheegtay qofkii ugu horeeyay inuu u geeriyooday cudurka Covid19
 

Jimco, May 1, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in qofkii koobaad uu u geeriyooday Covid-19, kadib markii bukaan qabay cudurkaas maalintii shalay lagu aasay magaalada Borama.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sidoo kale xaqiijisay in saddex kiis oo cusub oo Covid19 ah laga helay Somaliland, taasoo tirada guud ka dhigaysa 9.

Qofka geeriyooday ayaa la sheegay inuu ahaa qof dhalinyaro.

Somaliland, baaritaanada cudurka Coronavirus dalka dibadiisa ayaa weli loo qaadaa, inkastoo dhawaan wasiirka warfaafintu uu sheegay in qalabkii baaritaanka loo keenay.

Somaliland iyo Puntland oo ah maamulo deris ah ayuu cudurka si tartiib ah ugu faafayaa, waxaana labada dhinac ay diiwaan galiyeen dhimashadii ugu horeysay ee cudurka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online