4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2020
Puntland qofkii ugu horeeyay oo u geeriyooday cudurka Covid19
 

Jimco, May 1, 2020 (HOL) - Maamul goboleedka Puntland ayaa diiwaan galiyay qofkii ugu horeeyay ee u geeriyooda cudurka Coronavirus, qofkaas oo ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Balse arinta xusida mudan waxay tahay, qofkaan ayaa geeriyooday taariikhdu markay ahayd 21-kii abril. Sababta aan intaas oo maalmood loo shaacin xogtiisa waxay ahayd iyada oo lagu maqnaa xaqiijinta baaritaanka laga qaaday oo shalay ka yimid Kenya

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Covid19 gudaha Puntland ayaa hadda gaartay 11 qof, tiradaas oo ah marka lagu daro qofka u geeriyooday cudurka.

Baaritaanadii ugu dambeysay ee laga sameeyay cidna laga helin cudurka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online