4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2020
Wasiir Maareeye "Cid kasta oo Soomaaliya ku dhimata maanta, dowladdu waxey u aqoonsantahay inuu Coronavirus dilay"
 

Jimco, May 1, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda xanuunka COVID-19 iyo Soomaaliya,  waxa uusoo jeediyay in ay bulshada muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeriya.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in Soomaaliya marka loo eego dadka laga helayo xanuunkan ay ugu horreyso dalalka ku yaalla gobolka geeska Afrika sida waddamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya,  waxa uuna shacabka ka codsaday in ay dhaqan-geliyaan talooyinka caafimaad ee dowladda iyo dhakhaatiirtu bixinayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in faaqidaad dheer oo ay ku sameysay aragtida dadka iyo Coronavirus ay usoo baxday in badi dadku ay xanuunkaan ka qaadeen cabsi lamid ah cudurka HIV/AIDS sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna ka codsaday in la xirto agabka wejiga gaar ahaan sanka iyo Afka lagu xirto (Mask).

Dhinaca kale wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed u aqoonsantahay maanta ciddii dhimato in ay u geeriyootay xanuunka COVID-19.

"Dowladda Soomaaliya qofkasta oo dhinta maanta waxay u aqoonsantahay Coronavirus inuu dilay maadaama uu majority yahay,  markii uu naga baxo halkii caadiga aheyd hallagu noqdo." ayuu yiri wasiir Maareeye.

Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa durbaba hadal haayn ka dhex dheliyay bulshada Soomaaliyeed,  kaas oo iminka si weyn loogu falanqeynayo baraha bulshada, waxa uuna kusoo aadayaa xilli dad badan ay su'aalo ka keenayeen tirada badan ee maalin kasta wasaaradda caafimaadku sheegto in laga helo xanuunka COVID-19, iyadoo  hadda ay dowladdu ku bixineyso juhdi adag sidii loo xakameyn lahaa.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho