4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2020
Xildhibaan Alankey "haddii aan qorshe loo sameyn dadka ku barakacay Baardheere waxey halis ugu jiraan xanuunka COVID-19"



Jimco, May 1, 2020 (HOL) - Xildhibaan Cabdullaahi Yuusf Xasan "Alankey " oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ee lagasoo doorto magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay inuu walaac badan ka qabo xaaladda nololeed ee dadka  ka barakacay fatahaadda uu halkaasi ku sameeyay webiga Jubba.

Xildhibaan Alankey oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sidoo kale ka warramay gurmadka ay u baahanyihiin dadka ka barakacay magaaladaasi, waxa uuna sheegay in xaaladdu ay adagyahay,  loona baahanyahay in cid kasta oo Soomaaliyeed kaalin ka qaadato sidii loo samata-bixin lahaa bulshada Baardheere.

Dhinac kale Xildhibaan Alankey ayaa ka digay khatar caafimaad oo ka dhalan karta  isu imaatinka dadka ka barakacay magaalada,  taas oo keeni karta halis ah in haddii qof kamid ah uu qabo xanuunka COVID-19 ay si fudud isku qaadsiin karaan guud ahaan bulshada inteeda kale.

Dowladda fadaraalka ah iyo Maamulka Jubaland ayuu ugu baaqay iney qaataan kaalin deg deg ah oo wax ku ool ah,  taas oo qeyb ka noqon karta in la samata-bixiyo qoysaska ku barakacay Magaalada Baardheere.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho