3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 9 , 2020
Somaliland iyo midowga Yurub oo kala saxeexday mashruuc lagu ilaalinayo asaarta qadiimiga ah ee Laasgeel


Isniin, March, 09,   2020 (HOL )– Xukuumadda Somaliland iyo midowga Yurub ayaa heshiish kala saxeexday mashruuca dhawridda asaarta taariikhiga ah ee Laasgeed oo ku taalla bariga magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan heshiishka lagu kala saxeexanayey waxa ka qaybgallay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska iyo wakiilka Midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka iyo wafti uu hoggaaminyo ayaa waxay booqasho ku tageen Buurta Laasgeel oo ah goob leh taariikh soo jireen ah in ka badan Toban kun oo sanno, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka kormeer ku sameeyey dhammaan Aasaarta qadiimiga ah ee Buurta laasgeel.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka hadlay munaasibad balaadhan oo loo sameeyey mashruuca Dhawrida iyo badbaadinta taariikhda soo jireenka ah ee Degmada laasgeel oo midowga yurub maalgalin doonno.

“Qaran ahaan waan dareensanaa qiimaha ay leedahay iyo ummadda ay soo jiiday, dadka ay ina barayso aqoonyahan badan ayey soo jiidaa runtii oo halkan yimaada, aniga qudhayda wax badan iga bedeshay runtii, Xukuumadayadu waxay diyaar u tahay in aad loo horumariyo”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici.

Waxaanu intaas ku daray “Dhammaanteen aan gacmaha isu qabsano inaan wada ilaalino aasaarta aan joogno iyo kuwii kale ee la helaba aad iyo aad baad u mahadsan tihiin”

Ugu Danbayntiina waxaa halkaasi heshiis Mashuurca Ilaalinta soo jireenka Taariikhda Laasgeel ku kala saxeexday Somaliland iyo Midowga Yurub iyadoo uu Dawladda Somaliland u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) halka uu Midowga Yurubna u saxeexay Amb Nicolas Berlanga, waxaana mashruuca fulinaysa Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa uu u saxeexay Gudoomiyaha Xaruntaasi Jaaamac Muuse Jaamac.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 

 













Click here
3/9/2020 4:58 PM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa si wada jir ah magaalada Baraawe uga dhagax dhigay iskuul lagu baran doono cilmiga badda.

3/9/2020 10:51 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL) –Guddida doorashooyinka Somalilland ayaa maanta kulan la yeeshay laba safiir oo ka kala socda safiirka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga iyo safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Staffan Tillander oo matalayey beesha caalamka.

3/9/2020 8:24 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambasaddor James Swan, ayaa maanta Garowe kula kulmay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo golihiisa wasiiradda, wuxuuna kala xaajooday arrimo quseeya Puntland iyo tan dowladda federalka Soomaaliya.

3/9/2020 5:22 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Nin 100 sano jir ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa si buuxda uga soo kabtay cudurka loo yaqaan coronavirus.

3/9/2020 5:05 AM EST
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL)- Raiisel wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa ka badbaaday isku day dil oo ka dhacay caasimada Khartuum, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda.

3/9/2020 1:54 AM EST
Guddoomiyaha Xisbiga MidQaran Dr. Abdinur Mohamed ayaa soo gaaray magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaan soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyay qurba-joogta gobolka oo xiiseynayay inay wax ka ogaadaan Xisbigiisa Midqaran