Safiiro ka socda Midowga Yurub iyo Sweden oo kulan la yeeshay guddida doorashooyinka Somaliland
Isniin, Maarso, 09 2020 (HOL) –Guddida doorashooyinka Somalilland ayaa maanta kulan la yeeshay laba safiir oo ka kala socda safiirka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga iyo safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Staffan Tillander oo matalayey beesha caalamka.
Kulan ayaa daarnaa sidii loo
dardarin lahaa fulinta heshiishkii xisbiyadu kala saxeexdeen oo tilmaamaya in
sanadkan gudihiisa qabsoonto doorashooyinkii golaha wakiilada iyo golaha
deegaanka Somaliland oo muddo badan dib u dhac ku yimid.
Qobada laga wada hadlay waxa ka
mid ahaa:
- arrimaha doorashada iyo sidii wadanka ay
uga qabsoomi lahaaayeen sanadka 2020 doorashooyinka Golayaasha Deegaanka
iyo Wakiillada oo dhawr jeer soo muddo dhaafay, iyo
- sidii looga midho dhalin lahaa heshiiska
saddex geesoodka ahaa ee ay xisbiyada qaranku ku kala saxeexdeen
Madaxtooyada Somaliland 27kii February 2020.
Xubnaha waftiga ayaa tilmaamay in
ay hadda kalsooni ku qabaan in dhamaan dhinacyada kala duwan ee heshiiska ku
midoobay ay diyaar u yihiin hirgalinta iyo ka midha dhalinta heshiiska ka
dhashay dedaaladii dhexdhexaadinta ee muddada soo socday.
Komishanka Doorashooyinka Qaranku
wuxuu dhankiisa soo dhaweeyay heshiiskaasi qaran oo uu sheegay inuu diyaar u
yahay sidii uu dhinaciisa uga fududeyn lahaa in heshiiskaasi hirgalo isla
markaana doorasho ka dhacdo dalka sanadka 2020.
Sida qoraal ka soo baxay guddida
doorashooyinka ayaa lagu sheegay in kulankaasi ku soo dhamaaday Is afgarad iyo
in wada shaqayn joogto ah ay dhex mari doonto Komishanka Doorashooyinka Qaranka
iyo Beesha Caalamka oo ay matalayeen labada safiir.
Safiirka midowga u qaabilsan
Soomaaliya ayaaa maalmahan ku sugnaa Somaliland, isla markaana mashaariic laga
hirgaliyo Somaliland la kala saxeexday wasaarada Ganacsiga, wasaarada cadaalada
iyo wasaarada amniga, taas oo ay maalgalin doonto midowga Yurub.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland