5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 31, 2020
Ethiopia oo Coronavirus awgiis dib u dhigtay doorashooyinkii guud ee dalkeeda


 

Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Ethiopia ayaa shaacisay inay dib u dhicidoonaan doorashooyinka guud ee loo qorsheeyay dhamaadka bisha Agoosto, iyadoo loo aaneeyayo walaaca laga qabo faafitaanka caabuqa coronavirus, guddiga doorashada ee dalkaas ayaa maanta sheegay.

Ethiopia waxay xaqiijisay 26 kiis oo fayras ah. Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa la filayay inay bilaabato Abril 22 oo ay ka dhiman tahay wax kayar hal bil.

Waqtiga cusub oo doorashada loo qorsheeyay lama sheegin, balse guddigu waxay xuseen in marka laga baxo musiibada Covid 19 la mudayndoono jadwalka doorashooyinka dalka.

“Guddiga ayaa go’aansaday inaysan u qaban karin doorashada sidii loogu talagalay ... sidaa darteed waxay go’aansadeen inay baabiyaan jadwalka taariikhdaas oo ay hakiyaan howlaha oo dhan, "ayay guddiga codbixinta ku sheegeen bayaan ay soo saareen,”

Tallaabadaan ayaa horjoogsan karta dhammaystirka waqtiga loogu talagalay diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qoritaanka iyo tababarka goobjoogayaasha sida uu sheegay guddiga doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/31/2020 2:26 PM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdulaahi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in labadii kiis ee ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay labo qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco.

3/31/2020 11:48 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)-Maxamed Axmed Saleebaan Gooni ayaa maanta la wareegey xilka taliyaha qabta Booliska gobolka Sool, iyadoo gudookiyaha gobolka iyo masuuliyiinta ciidamada kala duwan ay goobjoog ka haayeen.

3/31/2020 11:27 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL) - Maamulka magaalada Diridhabe ayaa manta go'aano kasoo saaray cudurka dunida wareeriyay ee Covid 19. Go'aamadaan oo dhaqan-galidoona beri Abriil 01, 2020 ayaa waxaa ka mid ahaa

3/31/2020 8:13 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Wasaaradda Curinta iyo Teknolojiyadda, Wasaaradda Caafimaadka iyo dhakhaatiir dhaqameedyada dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay inay oggolaadeen daawo dhaqameed lagu tijaabiyey dadka iyo xoolaha tan iyo markii uu cudurku dillaacay 19-kii Diseembar 2019.

3/31/2020 6:41 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Puntland ayaa xaalad karantiil ah galisay 10 qof oo ka yimid dhinaca Somaliland, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo katirsan guddiga xakamaynta iyo wacyi galinta cudurka Coronavirus.

3/31/2020 1:41 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Hal bukaan oo laga helay cudurka 'COVID-19' ee Soomaaliya ayaa soo kabsaday oo qarka u saaran in lagasii daayo isbitaal lagu karantiilay oo kuyaala magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

3/31/2020 1:32 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Tirada dadka Mareykanka u dhintay coronavirus ayaa kor u dhaafay 3,000 oo qof, sida laga soo xigtay xogta laga sii daayay Isniintii shalay Jaamacadda Johns Hopkins.