5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 31, 2020
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sool oo maanta xilka la wareegey


 

Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)-Maxamed Axmed Saleebaan Gooni ayaa maanta la wareegey xilka taliyaha qabta Booliska gobolka Sool, iyadoo gudookiyaha gobolka iyo masuuliyiinta ciidamada kala duwan ay goobjoog ka haayeen.

Gooni oo ah ruugcadaa mudooyin kala duwan soo qabtay xilkan maanta uu la wareegey ayaa bulshada ka codsaday in gacan laga siiyo hawlaha amaan ee uu igman yahay, waxaanu balan qaaday in ay daacadnimo kala kulmi doonaan, illaahayna inuu caddaaladda waafajiyo ayaa ka baryey.
 
"Xafiiskan aniga iguma cusba oo  2000 ayaan wareejiyey marar kalena waan wareejiyey, waxaan uga  jeedaa xafiisku iguma cusba, aniguna idinkana idinkuma cusbi oo waad i  garanaysaan" ayuu yidhi Gooni isagoo intaas raaciyey in sharcigu  senbiilaha cadow la yahay shacabkana saaxiib, in ay cid waliba meesheeda  ugu soo hagaagayso ayuu ku goodiyey.
 
Masuuliyiin badan oo u horeeyo gudooniyaha G. Sool, Duqa degmada Laascaanood oo halkaas ka hadlay ayaa waxay si diiran u soo dhoweeyeen taliyaha cusub waxaanay ugu duceeyeen in Ilaahay ku asturo xilka uu bulshada u hayo waxaanaay u raaciyeen qaarkood dardaaran.
 
Imaanshaha xilkan ee haatan loo magcaabay Gooni ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili xiisado dilal iyo qaraxba leh ay magaalada ka dheceen isla markaana ay xaalada feejignaanta dadka  xanuunkan aafada caalamka ku noqday ay taagan tahay, taas oo sababtay in xabsiga dhexe lagu hayn kari waayo dadkii denbiyada yaryar qabey hadii ay dhacdo in hal keys laga helana ay qasbi karto in cid la xudho la waayo taas oo caadaystayaadha denbiyada dhiirigelin u noqinaysa
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood
 










Click here
3/31/2020 3:23 PM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Ethiopia ayaa shaacisay inay dib u dhicidoonaan doorashooyinka guud ee loo qorsheeyay dhamaadka bisha Agoosto, iyadoo loo aaneeyayo walaaca laga qabo faafitaanka caabuqa coronavirus, guddiga doorashada ee dalkaas ayaa maanta sheegay.

3/31/2020 2:26 PM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdulaahi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in labadii kiis ee ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay labo qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco.

3/31/2020 11:27 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL) - Maamulka magaalada Diridhabe ayaa manta go'aano kasoo saaray cudurka dunida wareeriyay ee Covid 19. Go'aamadaan oo dhaqan-galidoona beri Abriil 01, 2020 ayaa waxaa ka mid ahaa

3/31/2020 8:13 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Wasaaradda Curinta iyo Teknolojiyadda, Wasaaradda Caafimaadka iyo dhakhaatiir dhaqameedyada dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay inay oggolaadeen daawo dhaqameed lagu tijaabiyey dadka iyo xoolaha tan iyo markii uu cudurku dillaacay 19-kii Diseembar 2019.

3/31/2020 6:41 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Puntland ayaa xaalad karantiil ah galisay 10 qof oo ka yimid dhinaca Somaliland, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo katirsan guddiga xakamaynta iyo wacyi galinta cudurka Coronavirus.

3/31/2020 1:41 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Hal bukaan oo laga helay cudurka 'COVID-19' ee Soomaaliya ayaa soo kabsaday oo qarka u saaran in lagasii daayo isbitaal lagu karantiilay oo kuyaala magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

3/31/2020 1:32 AM EST
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL)- Tirada dadka Mareykanka u dhintay coronavirus ayaa kor u dhaafay 3,000 oo qof, sida laga soo xigtay xogta laga sii daayay Isniintii shalay Jaamacadda Johns Hopkins.